Wednesday, February 27, 2013

Xasuus Qiimo leh.


24/02/2013- Monday (4:37 Pm. )

Markii aan dhammaynay Daabacaada Boodhka, isla markiiba waxaan u yeedhay Cabdillaahi Saleebaan. Isaga iyo Ismaaciil Colow ayaa markaba ii yimid. Markaan tusay way ku qanceen sidaan filayay. Waanay iga qaadeen. Gaadhigay saareen. Waxaan ku balanay in ay I Xafiiska igu soo maraan marka la eedaamo salaada Duhur. Hasa yeeshee, iyaga oo aan wali igu soo noqon ayay gaadhay Duhurkii. Waanan la hadlay, aniga oo kaga daba tagay, Bakhaar wayn oo ah kan Dharka iyo Allaabooyinka Guryaha lagu iibiyo. Halkaa waxaan ugu tagay C/qafaar M Ciise oo la joogo isla markaana Gaadhiga Languruusalka ah ee uu leeyahay laga buuxiyay Barkimooyin. Waxa sidoo kale goobta ku sugan C/laahi Saleebaan Suki Sukidiisa yar oo iyaduna Allaab la ciir ciiraysa.

Sidaan u raraynay ayay salaadii Duhur sidii nagu dhaaftay. Gurigii Cusbaa ee Reerka loo kireeyey ayaan tagnay. Waan gogolnay ilaa 2:10 Duhurnimo. Xilli ay Dadka oo dhammi aad u gaajaysan yihiin ayaan dhammaynay.

Qof walba Wajigiisa Farxad ayaa ka muuqatay, waxaanu rajaynayay in Qorshihii uu qotomiyay uu ku dhaw yahay in uu midho dhalo.

Arintan waxa soo dadajiyay, markii odayaasha Reerka oo shalay war laga sugayay ay nagu soo war celiyeen in ay waayeen meel ay  iskugu yimaadaan. Kulankan ay maanta iskugu yimaadeen ayaan  noqonayn  kii ugu horeeyey Noociisa oo ay Odayaashu wada jir iskugu yimaadaan.  Waxana kulankan ka horeeyey kulano kala duwan oo uu ka mid yahay kii ay iska dhex doorteen Shan Xubnood oo noqon doona Hogaanka Reerka dhinaca Reerka. Waxa Guddidaasi ka mid ah Guddoomiye Cusub oo Odayaashu iska dhex doorteen C/Salaan, sidoo kale, waxa halkaa lagu doortay G/Ku Xigeenka, Xoghayaha guud Iyo Laba Xubnood oo kale. Waxaanay ahaayeen iyaga oo dhammays tiran sidan:

1.     C/Salaan Muxumed ………… Guddoomiye

2.    Cumar Ciise                 ………. G/Ku Xigeen

3.    Maxamed Yuusuf………… Xoghaye

4.    Maxamuud Ciise………. Xubin

5.    Daa’uud Cadduur……. Xubin

Maalin Xasuus leh ayay ahayd. Waana markii ugu  horeysay Taariikhda inta la xasuusto oo Odayaasha Labada Jilib ee Bahgobo (Cali iyo Maxamuud ) ay wada jir iskugu yimaadaan Guri ka dhaxeeya oo ay wada leeyihiin.

Guddo iyo Dibadba Dhan walba Abaabulaa ka socda. Dhinaca Dhallinyarada iyo Odayaasha. Waxaana Meel walba ka socota Hadal haynta arintan oo ku cusub Saaxada Reerka Bahgobo.

Tallaabada tan xigta ayaa noqonaysa Shir ay iskugu yimaadaan guud ahaanba Dhallinyarada Reerku iska markaana ay iska dhex doortaan Shan Xubnood oo noqon doona Hogaanka dhinaca Dhallinyarada oo dhabarka u rita gabi ahaanba Hawlaha kala gedisan ee Reerka. Sidoo kale, Shantaa Xubnood ee Dhallinyaradu iska dhex dooran doonto iyo Shantii hore ee Odayaashu ay iska dhex doorteen ayaa isku xidhmi doonta isla mar ahaantaana si wada jir ah u waajihi doona Hawlaha Reerka. Fadhiga Maanta ay Odayaashu leeyihiina waxa la qorsheeyey in ay ka soo baxdo Go’aanadii ay ku shaqayn lahaayeen.

No comments:

Post a Comment