
Fadhigii golaha ammaanka ee qaramada midoobay maanta ku dhegaysteen warbixintii ay soo jeedinayeen guddiyada kormeerka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa hadhaysay hadal ay madasha golaha ammaanka ka jeedisay marwada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u xil saaran Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi ay ahayd markii ugu horaysay ee ay madal caalami ah hadal ka jeediso.
Khudbadeeda oo socotay wakhti ku siman 14 daqiiqo iyo 12 ilbidhiqsi ayaa ahayd mid ka mid ah khudbadahii laga jeediyo golaha ammaanka qaramada midoobay kuwii ugu khaladka badna dhinaca akhriska iyo weliba qaabka jeedinta isla markaana haddii aanay xubnaha golaha ammaanku haysan qoraalka ay Foosiya akhriyaysay oo nuquladoodu aanay hor oolin ay ku adkaan lahayd inay fahmaanba waxay ku hadlayso.
Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa in ka badan 30 jeer waxay ku margatay ku dhawaaqidda kelmadaha ku qorna warqadda ay akhriyeysay oo ku qorayd luuqadda afka ingiriisiga iyadoo kelmadahii ay isticmaalaysay ugu dhawaaqaysay si khalad ah halka qaarkoodna ay tiraba ugu badnaan afar ilaa shan jeer ku celcelinaysay iyadoo sixi kari’ la’ayd qaab dhawaaqida.
Tusaale ahaan iyadoo mar ka hadlaysa lixda tiir ee u siyaasadda ah dawladeeda ayaa iyadoo doonaysa inay tidhaahdo “The six pillar policies of our government” waxay kari wayday inay ku dhawaaqdo kelmadda “Pillar” oo ay ugu dhawaaqday “pollar” iyadoo dhawr jeerna dib ugu celcelisay balse nasiib darro ay ku adkaatay inay saxdo.
Markale ayaa iyado ka hadlaysa maamul dhisidda gobolada jubooyinka iyo maamul goboleedyada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya oo doonaysa inay tidhaahdo waxay ku cad yahiin dastuurka “as described in the constitution” ayaa waxay tidhi kelmad aan u dhawayn oo ah “proscribed” oo macnaheedu noqonayo ka mamnuuc ah dastuurka.
Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan weraysi lala yeeshay ku sheegtay inay ka qallin jabisay jaamacadaha ugu waaweyn dunida ee lagu barto cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa khudbadii ay maanta golaha ammaanka ka hor jeedisay waxay u muuqatay mid muujisay mid ka mid ah galdalooloyinkeeda ugu weyn oo ka hor imanaya faankeedii, isla markaana muujinaya daciifnimadeeda dhinaca xidhiidhka (communication) oo ay daruuri tahay in qofka ah wasiirka arrimaha dibadda weliba dal doonaya inuu siyaasadiisa iibiya oo saaxaddii beesha caalamku ku soo laabto ay tahay inuu ugu yaraan luuqadda afka ingiriisiga hadalkeeda ka dhisanyahay, luuqadda ingiriisiga oo ah luuqadda koobaad ee luuqadaha qaramada midoobay
Khudbadeeda ayaa mararka qaarkood u muuqanaysay mid naxwe ahaan iyo isku xidhiidhsanaanba lumaysay iyadoo isku qasaysay kelmadaha luuqadda ingiriisiga loo isticmaalo inay jumladaha xidhiidhiyaan sida (the, therefore, a, for, of, with) iyo kuwa la mid ah oo ay midba jumlad khalad ah u isticmaalaysay iyadoo mararka qaarkoodna la arkaayey iyadoo si khaldan u isticmaalaysa kelmado naxwiyan luuqadda ingiriisiga khalad weyn ku ah sida (did passed) oo sax ku noqon lahayd (has/have passed)
Ugu danbayntii Marwo Foosiya oo ay maanta u ahayd markii ugu horaysay ee ay gole caalami ah hadal ka jeediso ayaa waxaa durtaba soo baxay galdaloolooyinkeeda khibradeed waxaana hubaal ah haddii ay weraysi siin lahayd telefishan sida BBC, CNN ama Aljazeera in ay ku adkaan lahayd ka jawaabista su’aalaha sababtoo ah daciifnimada ka muuqatay luqaadadeeda ingiriisiga iyadoo weliba akhriyaysay khudbad diyaarsan oo qoran.
Warkan oo dhammays tiran halkan ka Daawo:
http://halbeegnews.net/archives/26562
No comments:
Post a Comment