Hargeysa (Foore)- waxa Magaalada Hargeysa ka socota farsamo Casri ah, taasoo ah Isxambaar been ah.waxana arinta wada Nin Reer Xamar ah oo lagu Magacaabo Yoonis Aboowe.
Ninkaasi, Dadwaynaha Reer Hargeysa u sheegtaa in uu leeyahay Baasoor Maraykan ah kana yimid Dalka Maraykanka. Waxa u Daloola Dhagaha. Waxa uu Dadka u sheegaa Dhallintii Maraykanka oo qalqaaliga darteed dhagaha u dalooshaday. Waana caddaynta kaliya ee uu Dadka tuso. Sheekooyinka uu Reer Hargeysa u mariyo, ayaa ah “ waxaan ka imid Maraykanka, waxaanan doonayaa in aan halkaa Dadka u dhoofiyo. Waxaan Dadka ka galinayaa Xadka u dhaxeeya Maraykan iyo Migsiko. Dawlada Migsiko waxaan waydiistay in Xaflad aan ku qabsado, iyaduna waa iga ogolaatay. Waxa kale oo ay iga ogolaatay in Toban Qof aan Xafladaa u kaxeeyo. Waxaanan imika sidaa Toban Kaadh oo loogu tallo galay in aan siiyo Dadka Arooskayga imanaya ” Hasa yeeshee, Dadka ma tuso caddayn sugan oo lagu qanci karo. Waxa uu Dadkaa u sheegaa in Cidii rabtaa ay horta buuxiso Shuruudo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:
- Baasaaboor Soomaaligii Jaldigiisu lahaa Midabka Akhtarka.
- acag dhan $140
- lacagta Tigidhka iyo Kharashka ku baxaya Cuntadooda oo uu ku qiimeeyey $3000
- in isagana ay Account-kooda ay ugu hayaan $7000 hasa ahaatee, marka ay Maraykan tagaan u fasixi doonaan.
Sida ay sheegeen Dad Xogogaal ahi, waxa uu inta badan urursadaa Dad u badan Dumar iyo Caruur.
Sheekadan oo Hargeysa ka jirtay Labadii Todobaad ee u dambeeyey ayaa ah khiyaamo la rabo in Dadka lagu dhaco. Waxana iska muuqata in ay la mid tahay sheekooyin tan la mid ah oo hore uga dhacday Dalka gaar ahaan Magaalada Hargeysa. Ninkan ayaanay ogayn Dawladu, waxana wanaagsan in Cida aragtaa ay Dawlada u sheegto si wax looga qabto khiyaamadan oo hadhaw Dad badani ka calaacali doonaan.
No comments:
Post a Comment