‘Nin
ku yidh masaan nahay,
Mar
la qaad tallaabada,
La
malayso mooyee,
Yuu
midiidin kaa dhigan,
Midho
aad la leedahay,
Yuu
ku cunin is-moodsiis.
Hadduu
tiisa maamulo,
Adna
taada maaree,
Hadduu
sheegto maaleey,
Mur
ka sii qadhaadh noqo.’
Maansada
Mullaax, Ibraahin-gadhle.
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Ibraahim
Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-gadhle, wuxu ku dhashay Tuulada
Cadaadda oo ka tirsan Killilka 5aad ee dalka Itoobiya 1940kii, hase yeeshee
xilligaa ka tirsanayd Maxmiyaddii Ingiriisku xukumi jiray ee Somaliland.
Hooyadii Shaqlan Caynaanshe waxay dhimatay isaga oo yar. Sidaas ayaa Ibraahin
oo yar adeerkii oo degganaa magalaada Jabbuuti ku qaaday si uu u koriyo. Sidaas
ayuu Ibraahin-gadhle ku noqday reer Jabbuuti noloshiisa intii ugu badnaydna ugu
qaatay halkaas oo uu magac iyo maamuusba ku lahaa. Wuxu ku barbaaray magaalada
Jabbuuti oo uu ka galay malcaamad-quraan uu ka baran jiray Quraanka iyo afka
Carabiga. Malcaamaddaas oo ku taalley Xaafadda Saddexaad (Q3) waxa lahaan jiray
Macallin Maxamed, Ilaahay ha u naxariisto e’. Ibraahin-gadhle wuxu shaqadii ugu
horreysay ka qabtay Marsada Jabbuuti 1955kii oo uu ka shaqayn jiray ilaa
1967kii. Ibraahin-gadhle intii uu Marsada Jabbuuti ka shaqaynayey wuxu ka mid
ahaan jiray horseedkii iyo hormoodkii shaqaalaha iyaga oo had iyo jeer dhigi
jiray ama samayn jiray bannaan-baxyo iyo shaqo-joojin lagaga soo hor jeedo
gumeysigii Faransiiska. Ibraahin hawlaha hoggaamineed iyo dareenkiisii
waddaniga ahaa wuxu ku mutaystay xadhig badan iyada oo markii dambena shaqadii
in lagaga joojiyo sababtay.
Markii
dambe wuxu u wareegay dhismaha oo uu ku hawlanaa 1967kii ilaa 1978kii.
Ibraahin-gadhle wuxu ka mid ahaa foolaadkii bulshada reer Jabbuuti ee dagaalka
ba’an kala hor tegey Gumeysigii Faransiiska, taas oo Ibraahim ku mutaystay in
uu ka mid noqdo dadka ku sajilan liisaska madow ee uu isticmaarkii sida
joogtada ah u ugaadhsan jiray.
1964kii
ayuu hawlaha fanka soo dhex galay waxaanu maansooyinkiisii ugu horreeyay
tiriyay 1965kii.
1978kii,
wuxu hawl ka bilaabay Radio Jabbuuti halkaas oo uu ka shaqayn jiray ilaa
1984kii. Intii xilligaa ka danbeysay, Ibraahin-gadhle wuxu ku hawlanaa ganacsi.
Ibraahin
wuxu ahaa hal-abuur curin iyo farshaxanba lagu majeerto. Been ku hadli maayo
haddii aan idhaahdo hal-doorka Jabbuuti ayuu ahaa oo cidna laba kuma ahayn e’,
raqamka koowaad ayuu ka ahaa. Heerarka Soomaaliyeed marka aynu u nimaadno,
Ibraahin foolaadka xulka ah ayuu ku jiray. Gude iyo dibadba maansooyinkiisa,
heesihiisa iyo riwaayadihiisuba waa ay maaxeen.
Dhammayn
kari maayo e’, bal aan wax ka soo qaato riwaayadahiisa caan-baxay:
- Muuse
iyo Maryan,
- Hawaale
adduun, haadba haad kici,
- Maskaxdii
dumarkeennu, malkadeedi ka guurtay,
- Geeddigii
1aad,
- Geeddigii
2aad,
- Halgankii
ummadda iyo hoog isticmaar,
- Qaahira,
- Nolol
geeridu dhaanto,
- Marti
in aad Ilaahay u tahay,
- Ragow
aarsi haween u adkaysta markiinna,
- Waa
la moodaye, maaha,
- Ma
dhab baa jacayl waa loo dhintaa,
Maansooyinkiisu
waa bad aad ku hafanayso, halkudhegyada aan soo qaatay mooyaane, mucdooda iyo
macaankoodaba Diiwaanka ayaad ka daalacan doontaan. Wax aan badnayn aan ka soo
garoocdo heesihiisa caan-baxay, weliba saddex heesood oo hoobalkii codkiisa
malabku cawryay ee Maxamed Mooge Liibaan intaba ku luuqeeyay. “Dadka ha iska
weyneyn”, waa koow, “Maxaa deyr-cad geel hallaaboo”, waa laba, “Waagoow
dhakhsoo”, waa saddex. Akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa in ay dhammeeyaan inta
hadhay.
Ibraahin-gadhle
oo ka hadlaya codkii Maxamed Mooge Liibaanna wuxu yidhi :
“Saddexdaa
heesood ayuu Maxamed Mooge Liibaan qaadaa iyaga ayaana hirgalay. Aniguna aad
iyo aad baan noloshiisiina ugu mahad-naqi jiray, immikana waxaan leeyahay
Ilaahay ha u naxariisto. In badan ayuu I maqashiiyey oo I baray, markaas ayay
dadku odhan jireen: ‘Mee ninka Deyr-cad geel sameeyey.”
Ibraahin
wuxu guursaday saddex haween ah oo kala ah:
Saado
Ibraahin oo leh 5 gabdhood iyo 3 wiil,
Maryan
Maxamed oo leh 2 gabdhood iyo 3 wiil,
Sahra
Jaamac oo leh 2 gabdhood iyo hal wiil,
Waa
sagaal hablood iyo toddoba wiil iyo hooyooyinkood. Waxa kale oo uu Ibraahin
ifka kaga tegay suugaanta horraanteedii aanu halkan ku soo gudbinayno iyo qaar
gadaal ka qormi doonaba. Maa-shaa Allaa. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.
Shakhsiyaddii
Ibraahin Gadhle
Fadhi-shaqo
oo aanu Xarunta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Hargeysa ku lahayn ayaan ku
daahay, goor danbe oo ay saacaddu ku beegnayd ilaa siddeedii iyo shan iyo
afartan daqiiqadood ee habeennimo ayaan ka soo kacay. Nin aanu saaxiibbo iyo
hawl-wadaagba nahay oo dhoofayay ayaan u sii qaaday hudheelka Maansoor oo uu
degganaa. Waa 29kii Jeenaweri, 2006dii. Waxaan soo hoyday kooxaha Koongo iyo
Senegaal oo kubbad ciyaaraya oo ay Senegaal leedahay laba gool. Haddaan
fadhiistay oo aan isu diyaariyay in aan wax aan badnayn hawl-galo ayuu Aw
Yuusuf oo carruurtayda ka mid ahi tilifoon soo dhacay ii dhiibay. “Waa ayo?”
Waxa ii xigay: “Waa Siciid Gurraase”.
No comments:
Post a Comment