Dr.Maxamed Saciid Gees
Aqoonyahan
Maraykan ah oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Gobalka North Carolina oo la
yidhaa (Davidson College), laguna magcaabo Ken Machouse oo khabiir ku ah
arrimaha siyaasadd, isla markaana qoraallo badan ka qoray Soomaalida oo
Dawladda
Maraykanku kala tashato
Arrimaha Soomaalida, ayaa marar badan yimid Hargeysa oo la kulmay siyaasiinta
Somaliland iyo waxgaradkeeda, waxa uu ku yidhi;
“Markii ay iswaraysteen
idinka iyo Soomaalida Konfureed waxa ku kala duwan tihiin. Idinku arrimihiina
idinka ayaa maamulayaa, dib-uheshiin, axdi-nabadeed, axdi-qarameed, Dastuur,
afti-dastuur, ururo siyaasadeed, doorosho dawladda hoose, soo-saarid saddex
xisbi qaran, Doorasho Baarlamaan, Doorasho Madaxweyne.”
Xagga konfureed marka aan
la kulmo waxgaradkooda waxay hadal iigu soo horreysiiyaan,“Goorma ayaa caalamku
dawlad noo samaynayaan?” Waxay dunida ka sugayaan in dawlad loo sameeyo.
Mar aan Madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aannu la wada shaqayn jirnay Hay’adda
WSP/Interpeace, aan weydiiyey oo ku idhi; maxaad wax maamul ah isugu
dayiwaydeen qolladiina Hawiye waxa uu iigu jawaabay;
“Maya, Dawlad Soomaaliyeed
oo la ictraafsan yahay ayaan sugaynaa.”
Waa kaa maanta Madaxweyne
ka noqday dawlad loo ictiraafay inay tahay dawladii Soomaaliyeed, haseyeeshee
boqlaal kun oo carruur iyo dumar ah, ayaa tabaalo u dhintay intii la sugayey
dani kama hayso dhimashadooda iyo darxumadooda.
Professor Ken Machouse oo
sideetannaadkii joogay Xamar oo cilmi baadhis ka wada dadka Baantuga ah ee
Juubooyinka ku nool, waxa uu ciyaari jiray Kubadda Kolleyga Naadigii la WAGAD
ee Xamar, sidoo kalena waxa ku la Taliyey Mrs Clinton iyo dawladda Maraykan,
talaabada ay qaadeen.
Ken Machouse hadalkiisu
amaan ma ahayn ee waxa uu u jeeday qolada sugaysa in wax loo sameeyo oo saabka
wax ka sugaysa, ayaa la rabaa, waxayna dadka Somaliland ku guulaysatay oo ay
weli dedaalkii waddo oo loo dabar adaygay dawlad dhisiyo nabadayn iyo horomarin
ee looguma telegelin in shahaadad iyo bogaadin laga hello shisheeye ee waxa
loogu talagalay in nabad iyo nolol lagu sameeyo dadweynaha Somaliland, haddii
dedaalka waxqabad lagu saleeyo baahid dadka.
Haddaba, Siyaasadda
Dawladda Somaliland ee hadda loo janjeedhiyey dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashiga
shisheeyaha, ayaa ah muftaaxa hormarka ee ha la garabgallo oo ha la taageero oo
qallin daarka ha laga daayo. Maalgashigga sida somcable, shirkadaha shidaalka
baadhayaa Wershadda Cocacola oo ah geddigood tallaabooyin ay muwaadiniin
Somaliland ah iyo shisheeye iska kaashanayaan; Dekadda Berbera oo wadahadal loo
furay maalgashi shisheeye, Maxjarka Aljibri iyo Indhadeero.
Sidoo kale, Dawladda
Somaliland oo ku bilaabantay miisaaniyad hal milyan oo dollar ah oo maanta ku
dhaw laba boqol oo milyan oo doolar, halka Reer konfureed waa ay heleen
dawladoodii; ready made ka ahay. 14shir oo loo qabtay, iyaga oo huteelo qaali
ah la dejiyay oo gunno la siiyey, dastuur loo sameeyey, labaatan kun oo ciidan
washaysi ah oo yamyam iyo qadaadweyn ah oo nabadgelyadood gacanta ku haysa,
baarlaman iyo dawlad mushahar ka qaata shisheeyaha oo loo yabooho. Ictiraaf
daaqadda ah, roog casan oo lagugu qaabilayo, shirarka addunka oo laga
qaybgallo. Wax walibi waa readymade.
Waqtigii aan korayey ee
Ingriisku joogay Somaliland dharka waa la fasilan jiray dhawr dawarwale ayaa
jiray, dawarwaluhu waxa u noqday farsamo qaali ah, waxana loo bixin jiray Hebel
Dawaare, Faarax Dawaare, Maxamuud Dawaare. Shaqo cusub oo dalka timid ayey
ahayd, iyada oo xaaladdu sidaas tahay, ayaa ganacsade Beesha Ugayslabe ah oo
dukaan ku lahaa Masaajidka Cali Mataan agtiisa keenay Shaadhadh iyo Saraawiil
tolan ama fasilan ugu horrayntii, dabadeedna waxa soo baxay ereyga Readymade.
Ganacsadahaa waxa la odhan jiray Cali Nuux, inankiisii Siciid Cali Nuux waa xubin
Golaha Guurtida.
Haddaba, qoloba way ku
dedaashay ayey heshay, dawlad hoosta laga soo dhisay iyo mid Readymade ah.
Aabbahay Siciid Maxamed Gees (Aabbahay iyo Aabihiiba Berbera ayey ku dhasheen)
oo hadda sagaashankii ku dhaw oo imika deggan New York ee dalka Maraykan, ayaa
wax uu ee sheegay inay macruuf u ahaayeen reer Suldaan Cabdullaahi Suldaan
Diiriye waxa uu igu yidhi aniga iyo Cabdulqaadir (Dhabeeye)oo ahaa inankiisa oo
maalin la fadhina Suldan Cabdullaahi ayuu Suldaanka ku yidhi;
“Aabbo maxaad u diidaa
wixii Ingiriisku kula yimaado.” Waxa Suldaankii waxa uu ugu jawaabay; “Waar
ninkan anigu afkiisa iyo fikarkiisa ma aqaan, wixii uu ila yimaaddo maya ayaan
odhanayaa ,ee marka aad barataan afkiisa iyo dhaqankiisa wixii aad doontaan ka
yeela.’’
Haddaba waxa Somaliland
xukuumadda iyo waxgaradka horyaalla afeeftaas Suldaan Cabdullaahi oo ahaa
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Awoowgii. Waxaad moodaa ineyn weli afgaran
gaalkii caddaa oo qolada konfureed ayaa afgaratay ee inta aan baranaynu mayayda
aan ku joogno. Qolla waliba ha iimaansato waxay dhisatay ee doogsin cararka ha
la iska daayo.
No comments:
Post a Comment