Isaga oo xabbad dheer oo sigaar ah jiidaya, mid kalena dhegta u saran tahay ayuu aroornimo hore meel uu ka soo kallahay mooyiye soo fadhiistay makhaayad yar oo bunka lagu cabbo.
Waa u caado aroor walba in uu xilligaa yimaaddo. Inta fadhiday in la jaad ah ayay u badnayd, qaarkood se waa ay ka xarrago badnaayeen oo ammintaas ayay suudh iyo qoor-xidh xidhnaayeen, isaga se shaadhka iyo surwaalka kaawiyaddu ka raagtay waxa u dheeraa kabo boodhku dilooday, weji iyo madax aad mooddo in aan weligood biyo la taabsiin. Ilkaha qiiqa sigaarku madoobeeyay ee uu kula baxay naanaysta ‘Ilko-weyne’ lama garan karo goor caday ugu dambaysay. Qof kasta oo xalay hurdo fiican seexday wuu arkayay in ninkani indhihii xalay ku soo jeedo.
Waa u caado aroor walba in uu xilligaa yimaaddo. Inta fadhiday in la jaad ah ayay u badnayd, qaarkood se waa ay ka xarrago badnaayeen oo ammintaas ayay suudh iyo qoor-xidh xidhnaayeen, isaga se shaadhka iyo surwaalka kaawiyaddu ka raagtay waxa u dheeraa kabo boodhku dilooday, weji iyo madax aad mooddo in aan weligood biyo la taabsiin. Ilkaha qiiqa sigaarku madoobeeyay ee uu kula baxay naanaysta ‘Ilko-weyne’ lama garan karo goor caday ugu dambaysay. Qof kasta oo xalay hurdo fiican seexday wuu arkayay in ninkani indhihii xalay ku soo jeedo.
Arooro badan meesha waa ay ku arkeen isaga oo qaaddirada hurdo la’aantu wejigiisa ka muuqato. Kolkii uu mid u dhowaa waydiiyay xagga uu u kallahayo ee uu u shaqo- tegayo wuxu ku jawaabay in aanu shaqo-tegayne uu hurdo-tegayo.
Cidna lama uu hadlayne waxa uu dhib ka haystay sida uu sigaarka afka ugu jira iyo koobka bunka ee uu debnaha la tiigsanayo u kala ilaalin lahaa. Marar badan ayuu isaga oo sigaarkii qaniinsan, bunkiina kabadday uu mashaqo la kulmay.
Waxa dhegihiisa ku soo dhacaya oo xiiso-geliyay sheekada qaar meel u dhow fadhiyaa is-weydaarsanayeen. Muddo dheer ma uu arag sheeko xiiso-gelisa xilliyadan oo kale marka uu sii hurdo-tegayo. Waxa sheeko xiiso leh ugu horreysa saacadaha ka dambeeya salaadda casarka marka mirqaanku ku duxo ee baaldiga biyaha ah iyo baakidhka sigaarka ahi hortiisa yaalliin, garaabaduna is-biirsato ee uu hortiisa iyo hareerihiisaba ku arkayo kuwo la mid ah oo muranka, qaylada iyo is-maqal la’aantu isku dubbo dhacaan.
Arooryadan hore ee saaka waa kan indhaha ku dul illaaway kuwan ka yaabiyay ee goobta ku sheekaysanaya.
Waxay ahaayeen niman is-waraysanaya oo qaarkood aanay maanta ka hor goobta ku kulmin. Waxa ka fajiciyay waxa ay ka sheekaysanayaan. Mid baa weydiiyay ku kale: “Xaggee ayaad ka soo dhimatay?”
Dadka caadiga ah ee goobta fadhiyay waa ay la yaabeen weydiintan qaabka daran. Xagguu ka soo dhiman sow kan ifkii jooga. Kii la weydiiyay se maba uu dhibsanne wuxu ku war-celiyay: “Waxaan ka soo dhintay dalka Ingiriiska, magaalada London, adiguna xaggee ayaad ka soo dhimatay?” Ayuu ku celiyay. “Maraykan baan ka soo dhintay?” Ayuu ugu jawaabay.
“Oo halkaana miyaa laga soo dhintaa?” Ayuu weydiiyay. “Maxaa looga soo dhiman waayay sow geedku meel walba ma gaadhin.” Ayuu ku jawaabay.
Ilko-weyne isagu ilkihii dhaadheeraa ayuu ku dhowray isaga oo afka kala waaxaya oo indhihii awalba isku dhegsanaa sii yaryaraanayaan.
Inta ay isagii ku soo jeedsadeen ayay labadii nin si wadajir ah u weydiiyeen, “Naga raalli ahow saaxiib, ma ku weydiin karnaa adigu halka aad ka soo dhimatay, nin beri hore soo dhintaad u eg tahaye?”
Isaga oo taagtiisa dhoolla-caddayn iska baadh-baadhaya oo arrinkiisu yahay yaan lagaa garan ayuu ku war-celiyay: “Anigu halkan uun baan ka soo dhintaye, meel kale kama soo dhiman?”
“Oo halkan miyaa laga soo dhintaa in loo soo dhintaanu moodaynaye?”
“Maxaa looga soo dhiman waayay sow geedkuba halkan kuma soo horreeyo.” “Waar waxaasi wax dhici kara ma aha e’ runta noo sheeg oo ma Sweden baad ka soo dhimatay mise Finland?” ayay haddana weydiiyeen.
“Ilko-yareba weydiiya haddaad beentay moodaysaan”, ayaa Ilko-weyne ku jawaabay.
“Ma Ilko-yarihii reer London? Kaana miyaad is-taqaanaan?” “Haa, ma cid aanan aqoon ayaa jirta, sow kii wasiirka noqday markii uu soo dhintay”
Intay sheekadii beddeleen ayay weydiiyeen: “Bal nooga warran oo golahee ayaad tahay, ma golaha hurdada mise ka soo-jeedka?” “Midna ma ahi”, ayuu uugu jawaabay.
Iyaga oo la yaabban ayay haddana weydiiyeen: “Waar waddanka labadaa gole ayaa jira e’ midkee ayaad tahay oo runta noo sheeg”
“Golaha saddexaad ayaan ahay, golaha sii-jeedka”, ayuu ku jawaabay. “Waa tahaye, ma garab-ku-daaq ayaad tahay mise gacan-ku-daaq”, ayay haddana weydiiyeen. “Maya e’ gaws-ku-daaq ayaan ahay”, ayuu ku jawaabay.
Markii uu arkay in su’aalo lala daba-galay, qorraxdiina soo kululaanayso, saacaddii hurdaduna dhowdahay ayuu yidhi, “Halkaa aad ka soo dhimateen meel dhaantaa ma jirto e’ maxaad uga soo dhimateen?”
“Gurmad ayaanu ahayn si aannu inta nool ee halkan joogta u badbaadinno, laakiin aan ku weydiinno e’ xaggee ayaad ka shaqaysaa?” “Maxaan shaqayn meeliba ima shaqayso e’.” “Maxay mooyiye.”
“Intii wax cunaysay ayaa i shaqaynaysa, labadaa debnood wixii dhexdooda soo gala xaar masna dhehoo ma badbaadaan, ee yaanan meesha idinku cunine iska taga”
“Oo haddaa ma annagaa in kale na shaqaynaysaa!”
Intaa markii la is-weydaarsaday ayuu Ilko-weyne oo is-leh nimanka iska celi, su’aal uu goorahanba ka fikirayay ku sii daayay, oo ku yidhi: “Intii aydaan soo dhiman maxaad Ingiriiska ka qaban jirteen?” waxay ugu jawaabeen: “Xabsi baannu ku jirnay.”
“Dee miyeydaan immika xabsigii ka reysan, halkan se maxaad kala kulanteen, side se la idiin soo dhoweeyay?”
“Halkan markii aannu nimid annaga oo xidhan koofiyadihii barafka ahaa ee madaxa na qaboojinayay ee dhakhtarkii reer Ingiriis noo soo qoray si fiican ayaa naloo soo dhoweeyay, xabsigii qolka keliya ahaa waannu ka raysanay oo xabsi weyn oo bilaa deyr ah oo dadkoo dhammi ku jiraan ayaanu ku soo biirnay, waa nala magacaabay, weliba laamo sare, wax walba annagaa nala weydiiyaa, annana jawaabihii xaggaas ayaanu kaga nimid.”
“Oo ma su’aal bilaa jawaab ah ayaad la joogtaan, maxaad ku jawaabtaan marka wax la idin weydiiyo?”
“Dee wixii afkayaga ku soo dhacaba, dadkani waa dad wanaagsan, wax walba waa ay rumeystaan, wax na garasho dhaamaaba kuma jiraan.”
Ninkii Ilko-weyne yaab ayuu dhafoorka gacanta saaray. Su’aal kale ayuu haddana la tiigsaday: “Nin rag ahi waa ka maalintii seexda, habeenkiina soo jeeda si uu aayaha dalkan liita ugu fikiro e’ xaggee ayaad u kallahaysaan?”
“Waar waanu iska hurdi lahayne qaar baas ayaa xilligaa nala ballamay oo shir iyo wax aan loo joogin goortaa ka dhigay.”
Ilko-weyne qorraxdii ayaa ku kululaatay, saacaddii uu seexan jirayna durtaba waa ay weydaaratay, koobkii bunka ahaa wuu goostay, wuxu ciil ka hayaa nimankan hadalka ku dawakhiyay oo aan koob bun ahna u shubayn.
Si degdeg ah ayuu u kacay oo afka saaray xaggaa iyo gurigiisa. Dad badan oo ka hor imanaya mooyee cid xaggiisa u sii socota ma arkayo.
Madaxiisu wuu guuxayaa, in mishiin ku xidhan yahay ayaa la moodaa…wax baa la hadlaya, wax aanu arkayn:
Hareeraha bal daymoo,
Docdan iyo docdaa eeg,
Iyo labada daamood,
Dalka bari ilaa bogox,
Darxumadiyo baahida,
Diifta iyo gaajada,
Sharaftii dadnimadiyo,
Damiirkii maxaa helay!
Haaa…waa runtii oo intii wax cunaysay ayaa nool. Intii aanu dhiman wuu noolaa, naftiisa wax ayuu ugu filnaa, ubadkiisa ayuu wax ugu filnaa, ummadda ayuu wax ugu filnaa, Maantana intii wax cunaysay ayuun baa nool, hadduu afkiisa iyo calooshiisa wax u helo cid kale waxba kama gelin, wixii gubanayaa ha gubteen.
Albaabkii guriga ayuu garaacay, waa laga furay, waxa ka hor yimid carruur yar yar oo dugsi sii tegaysa, waa carruurtiisii oo inta ay is-arkaan yar tahay. “Kuwanna maxay ahaayeen ayuu is-weydiiyay. Islaan sii shaqo tegaysa ayaa iyana ka hor timid. Tanna xaggee ayay u socotaa xilligan la seexanayo, in ay islaantiisii tahay wuu arkaa, miyay iska joogto! Maskaxda ayuun buu ka hadlayaaye carrabka maba dhaqaajin karo. Madbakhii ayuu galay. Shaahii carruurta ka hadhay, laxooxdii loo dhigay iyo hambooyinkii oo dhan ayuu isku darsaday. Intaa ka dib isaga oo kabihii xidhan ayuu sariirtii ku dul dhacay. Goorta uu kacayo waa uu yaqaan, waa saacadda dawanka mirqaanku dhaco. Cid toosisana uma baahna.
No comments:
Post a Comment