Friday, February 8, 2013

Hadday Ogaan Lahayd

WQ: Xasan Cabdi Madar

Aniga oo maraya meel cidla’ ah, la shawraya naftayda, xisaabinaya wakhtiga, waayaha ka faalloonaya, ayaan si kedis ah u joogsaday. 


Waxa aan indhaha ku dhuftay warqad meel halkan ah taalla. Gartay in ay qof ka dhacday, ka dibna is-idhi bal meesha ka qaad, bal in aad cidda ay ku socota garato si aad ugu geyso. Warqaddii ayaan ku foorarsaday, arkay in aanay gal ku jirin. Waa warqad si farshaxan leh u qoran, midabbo kala geddisan lagu xardhay, ubaxyo ku sawiran yihiin, si heer sarraysa ah la iskugu dubba-riday. Intii aanan akhriyin waxa ku qoran, waxaan aad ula dhacay muuqaalkeeda guud. Waxay indhahaygu jeclaysteen bal in aan si fiican u eego warqaddan iyo waxa ku qoran. Waxaan la fadhiistay meel lagu nasto si aan warqadda u akhriyo, waxay ka hadlaysana u dhuuxo, illayn kuma dhammayn karo taagniye. Waxaan fadhiistay meel halkeer ah. Waxaan ku bilaabay bal in aan warqadda ka eego magacyo ama cinwaan bal si ay u fududaato helista ciddii lahayd, kuma arko midnaba.




Ka ddib waxaan toos u bilaabay akhriska warqadda. Cinwaanka xagga sare waxa ku qoran: “Hadday ogaan lahayd: Dhambaal jacayl, Ku socda tii aan jeclaa, ka socda kii wax jeclaa.”

Hoos ayaan ugu sii degay akhriska warqadda, sidan ayay ku bilaabantay:
“Waa dhambaal ka socda qof aan garanayn qofka uu u dirayo, ka loo dirayaana aanu garanayn ka u soo diraya. Garashadu ma aha garasho duleed. Garashada duleed marka ay tahay sida dharaarta ayay isku garanayaan, waa garashada duunka, garashada hoose, garashada quluubta. Warqaddu waa ay ka tegi doontaa ka diraya, waanay gaadhi doontaa ka loo dirayo, warcelinta se lama hubo in ay ka soo noqon doonto ka loo dirayo. Waa dhambaal innaga nolol horreeyey, innagana nolol dambaynaya. Anigu ma ahi qofkii u horreeyey ee dhambaalkan dira, adiguna ma noqonaysid qofkii u dambeeyey ee loo diro. Si kastaba ha ahaate waa dhambaal geli doona buugga xusuusaha gaarka ah.
Ku bilaabid magaca Eebbe:
Gacaliso,
Haddii farriintani maalin uun ku soo gaadho Ogow!!!
Waan ku jecelahay sababtoo ah kuma garanayo. Waad i neceb tahay sababtoo ah ima garanaysid.
Ima garanaysid sababtoo ah ma doonaysid in aad i garato; kuma garanayo sababtoo ah ma doonayo in aan ku garto. Indhaha ayaan isku soo qabanayaa sababtoo ah ma doonayo in aan xumaantaada arko. Indhaha ayaad isku sii qabanaysaa sababtoo ah ma doonaysid in aad wanaaggayga aragto. Ma rabo in dhegahaygu maqlaan xumaanta lagaa sheegayo, ma rabtid in dhegahaagu maqlaan wanaagga la iga sheegayo.
Waad i neceb tahay sababtoo ah ima taqaanid, ina baran maysid sababtoo ah waad i neceb tahay. Sideed u baran kartaa qof aad necebtahay?
Waan ku jecelahay, sababtoo ah kuma aqaan, kuna baran maayo, sababtoo ah waan ku jecelahay. Sideen u baran karaa qof aan jecelahay?
Haddaad ogaan lahayd…ogaanba mayside…haddaan ogaan lahaa..ogaanba maayee…waynu isku iman lahayn, iskuba iman maynee; waynu kala maqnaan lahayn, kala maqnaanba maynee!
Warku ha iga tago, hubaal wuu iga tegi, ha ku soo gaadho, hubaal wuu ku soo gaadhi, in uu kaa soo noqonse mooyi.
Warku ha kaa yimaaddo, hubaal kaa iman maayee; ha i soo gaadho, hubaal i soo gaadhi maayee.

Ku raaxayso akhriska dhambaalladayda. Cid kale uga sheekee, ciddaad doonto uga sheekee, ka dhigo maad iyo madadaalo. U qaado in aan indhaha isku soo qabanayo; oo haddaan indhaha isku soo qabto sideen kuu arkayaa? Ujeeddadaydu sow in aan ku arko ma aha? Mindhaa adigaa indhaha isku sii hayey oo u qaatay in aan aniguna indhaha isku haysto!. Wacnaan lahaydaa in aynu labadeennuba indhaha kala qaadno, in aynu is-aragno. In aynu qalbiga iyo indhaha iska aragno. In quluubteennu wada hadasho oo aynu maskax laabashada ka gudubno. In aynu hal qof isku noqonno.
Ma qummana in la qaato go’aan la qoomamayn doono…..go’aanka ha hoggaamiso garasho. In badan ayaan arkay dad badan oo ifka jooga oo aan weli dhalan. Ma ogi in aad kuwaa ka mid tahay, waxanse ogahay in aynu laba adduunyo ku kala nool nahay.
Muxuu yidhi Saahid Qamaan: “Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”.Oo maxaynu gabaygaa uga baahan nahay maba kala maarannee? “Haddii aan gacal is-jecel iyo is-afgarasho-waa nahay, adna guri cadaawaad ku gaboobi doontaa, anna geli shisheeyaan ku go’doomi doonaa!! Tanna ma hees bay ahay.”
Alla ma nin buu ahaa!!…Alla ma gabadh ayay ahayd!!! Waa caadadeenna in aynu fursado ina dhaafay u calaacalno.
Gunta iyo gebagebada farriintan oo farriimo kale ku sii xigi doonaan, gacaliso, waxan ku leeyahay: Haddii isa-seeg dhaco ducadeennu ha noqoto tii Ismaaciil Cagaf: ‘Sed iyo calaf baa sidaa wax yidhee, i seegtaye samo ku noolow.”

No comments:

Post a Comment