“Ma dadwaynaha oo qof-qof u noqda xilkas isla markaana wanaagsanaada mise hogaamiye-yaal karti, aqoon, daacadnimo dheeraad ah ayaa ah meel dhow, abdo leh oo laga bilaabi karo isbedel togan oo loo aayo”
ayaa ah dood in badan igu soo noq-noqotay. Doodan ayaa ah mid si wayn loogu kala qaybsamo oo dadka qaar ku fogaadaan dooda oo ay gaadhaan ilaa xadka ay yidhaahdaan “ intaad tiin beerato, timir ma filan kartid” oo ay uga jeedaan ‘Dad wanaagsan ayuun bay ka soo baxaan hogaamiye-yaal wanaagsani’. Dhinaca kale ee dooddan ka soo hor-jeeda ayaa qira in dadka oo hagaag wacanaan lahayd isbedelna keeni kari lahayd balse taasi la mid tahay ‘sacabkoo timo yeesha’. Qolyahan dambe kuwooda dooda ku talax tagaa waxay tusaale u soo qaataan in rusushii Alle (SWT) u soo diray umaddaha inaan loo baahdeen haddii dadka oo mar qudha wadda wanaagsadda ay tahay ‘jid aan jarre lahayn’. Iyagoo sii wata dooddooda ayay ku sii daraan dhinacyadani in isbedel kasta oo la mahadiyey oo dunidan ka hana qaaday uu bilaabay hal qof ama waxaan ka badnayn. Tusaalayaasha waxaa ka mid ahaa Nebigeenii Muxumed ahaa (NNKH),Halganaddii Gobanimo-u-dirrika ahaa ee Afrika, Kacdoonkii ka dhanka ahaa ‘ka-ganacsiga bani-aadamka’ iyo dhacdooyin kale oo badan. Labaddan dooddooba wax baa ka jira waxna way ka khaldan yihiin. Anigu inta badan waxaan u jan-jeedhaa dhinacyadda aaminsan in isbedel waara, soo deg-dega oo sal-ballaadhan in laga geli karo toobiyaha dhinaca hogaanka. Sidaas ay tahay, qoraalkan kooban lagagama gayoon karo mawduuca baaxaada wayn ee ‘Hogaaminta Tolmoon’ iyo muhiimadda ay leedahay. Waxaan mawduucan ku beegsan doonaa wax dhibic biyo ah ka noqonaya badwaynta hogaaminta – ku dhaca hogaamiyaha, iyo kalsoonida la-hogaamiyaha.
In
badan markaynu ka hadlayno yaa hogaamiye ah, waxaan ku daahnaa astaamaha shaqsi
ahaaneed sida go’aaminta, aftahamadda,daacadnimadda, indheer-garadnimada,
dhowrsanaanta, dad-aqoonimadda,marti-soorka, gacan-furnaanta,
gacaltooyadda,gudoonka adag iyo kuwo kale oo badan.
Tilmaamahan
oo dhan muhim waxna kuma jabna balse waxaad moodaa in diiraddu saran tahay
‘qof’ keliya oo ah marba cidda markaa la suuraynayo. Si jawaab waafi ah loogu
helo ah ayaa ah hogaamiye tolmoon, waa in aan la hilmaamin in shiishku ku
foognaado ‘qofaf’ iyo xidhiidhka ka dhexeeyaa tayadda uu leeyahay sababtoo ah
hogaamintu way ka ballaadhan tahay hal qof waxayna ku lug leedahay hogaamiyaha
iyo la-hogaamiyeyaasha oo , aalaaba, ah dhowr qof iyo wixii ka badan. Waxaa
kale oo hogaamiyaha ay tahay in lagu qiimeeyo nooca xidhiidhka uu la leeyahay
cidda uu hogaaminayo iyo hiigsiga iyo himiladda uu xanbaarsan iyo, ugu
dambaynta, mugga iyo dhuuxa isbedelka uu dhalliyo mustaqbalka fog.
Ku-dhaca
iyo kalsoonidu waa laba qodob oo lama-huraan u ah hogaaminta wanaagsan. Ta
hore, oo ah ku-dhaca, waa tayo ay tahay inuu la yimaad hogaamiyuhu halka, ta
dambe oo ah Kalsoonida, ay tahay mid u dhex ah hogaanka iyo la hogaamiyaha
iyaddoo waliba hogaamiyuhu abqaali karo ama bi’in karo. Ku-dhucu waa
badheedhaha iyo dhiiranaanta in hogaanku riyooodo, hiigsi la yimaad kadibna
geed-dheer iyo mid gaaban u fuulo siddii uu rumayn lahaa riyaddaas isagoo
abaabulaya cidda uu hogaaminayo isla markaana wixii hanti iyo hayn jirta isla
fal-gelinaya. In hogaanku riyoodo waa ‘alifka’ hogaaminta. In hogaanku
riyaddiisaa ku qanciyo dadka kalena waa ‘inta alifka ka soo hadhay oo dhan’. Ku
qancinta dadka kale inay kula riyoodaan isla markaan aad dedaal-wadaareed ku
xaqiijisaan riyadaasi waxa u baahan tahay inaad haysato Kalsoonidoodda.
Kalsoonidu waa isku-hallaynta, aaminaadda, iyo jacaylka la-hogaamiyayaashu u
hayaan hogaamiyaha ama sida kale (hogaamiyuhu u hayo dadkiisa). Kalsoonidu waa
geed iniintiisu ku jirto gacan hogaamiyaha kuna baxa hab-dhaqanka, taariikhda,
dhiiranaanta, balaalaynta iyo ku-dhaca hogaamiyaha. Waxaa bi’iya ma
naxaanimadda, laba codlaynta, hadhaanimadda, ku dhicid iyo kalsooni la’aanta.
Waxaan,
akhriste, kula waddaagi sheeko mala-awaal ah oo dhex martay wiil yar oo kuwa
basaska Hargeysa kaariyadda ka ah iyo sheekh magaaladda ku cusbaa una joogay
inuu ka qayb-galo kulan sanadeedkii daaciyiinta ama tabliiqa ee kal hore.
Sheekhu ka yimid xaafaddaha Hargeysa, wuxuuna u socdaa Masaajidka Tabliiqa ee
barriga magaaladda Hargeisa oo uu ka socdo kulanku. Wuxuu soo raacay bas ka
keenay xaafaddii u ku soo deggay wuxuuna ka dheregsan yahay inuu bas labaad u
raacayo Masaajidka waxaase sheekha mad-madow kaga jiraa kobta ay ka baxaan
basaska aadda dhinacaa iyo masaajidka tabliiqa.
Basku
wuxuu soo gaadhay suuqa dhexe oo ah halka ay ku soo af-go’aan basaska kala
duwan ee ka yimaad xaafadaha kala duwan ee magaaladdu isla markaana ay ka
baxaan marka dadku dib u guryo-noqonayaan. Waa xudunta ganacsiga iyo
dhadhaqaaqa guud ahaan dalka iyo gaar ahaan caasimadda. Dadkii baska la saarnaa
sheekhu dhamaantood way degeen waxaana isku soo hadhay wadaadka laftiisa,
darawalkii baska iyo wiil kii yaraa ee kaariga ahaa;
Wiilkii
Yaraa: Sheekhaygii
ha isku iloobin meesha, baska halkan ma dhaafaya’e
Sheekhii:
Darawal miyaanad gaadhayn halka ay ka baxaan basaska aada masjidka tabliiqu?
Darawalkii:
Halkaa ma gaadhno sheekh balse kaamaba foga oo laba tallaabo..
Sheekhii:
Oo waa halkee…
Darawalkii:
Halkaa mar, toos u soco, halka caanaha riyaha la yidhaa ka lab, markaad joogto
Masjid Jaamaha waa kuwa basasku dhiniciisa koonfureed ka tuban.
Sheekhii
oo u muuqda in aanu fahmin tilmaanta dirawalka hasa ahaatee kursigii ka kacay
baskiina aan ka deggin ayaa ku yidhi darawalkii oo la tacaalaya hoonka iyo
saxawanka baabuurta uu ku gudban yahay baskiisu oo la waddo kale “liibaan’e
miyaad intaa I gaadhsiisid”
No comments:
Post a Comment