
Bisinka. Waa maalmihii ay ayeeyooyinkeen Tiirka Bir ah cuskan jireen, innagana Ilaahay inama seejiyo. Waan qabaa dareenkiinna. In badan oo idin ka mid ah ayaa leh ama saaka
Gadood
dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade,
Ganbo-xoorka waayaha haddii, laysu
minan-guursho,
Dad uun baa ma-guurtada lahaa, goobihii
baxaye,
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho
gaadiide,
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan
wadareede,
Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu
gororshaaye,
Galladduna waxay saaran tahay, wax isu
geygeyne,?
Maansadii
Gudgude ee Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,
Qalinka:
Boobe Yuusuf Ducaale ? cankaabo@hotmail.com, http://www.dharaaro.com/
Bisinka.
Waa maalmihii ay ayeeyooyinkeen Tiirka Bir ah cuskan jireen, innagana Ilaahay
inama seejiyo. Waan qabaa dareenkiinna. In badan oo idin ka mid ah ayaa leh ama
saaka odhanaya waa kaa taxane kale bilaabay, halka ay qaarkiinna ka naxayaan.
Waa intiinna biyaha uurkooda ku jira ka didaysa. Bal se waxaan jeclahay in
Qormadaydan ku koobo hal maqaal oo miid ah ama rib ah, haddii uu ila taraarana
kollay laba ila dhaafi maayo.
Qalin-hollashadaydan
maantu kama foga hadal-haynta iyo hadaaqa bulshada Somaliland ee maanta. Aan
idiin qodobbeeyo si aad dhakhso ugu garataan:
1. Digniintii Dawladda Ingiriisku ugu baaqaysay
muwaaddiniinteedu in ay ka soo baxaan Somaliland,
2. Dawladda Mareykanka oo digniintaa ku celisay
muwaaddiniinteedana ugu baaqday in ay Somaliland ka soo baxan,
3. Xadhigga hadal-haynta batay ee Nadra Maxamed Jaamac,
4. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka,
Intani
waa qodobbada ugu muhiimsan ee loogu hadal-haynta bdan yahay Somaliland.
Seyladaha waa lagaga sheekaysanayaa, makhaayadaha, Internet-yada, basaska
dhexdooda, xaafadaha ayay kaga sheekaysanayaan iyo meelo kale oo badan. Qaarna
si gurracan oo aan dal iyo dad midnaba dan u ahayn ayay uga hadlaan.
Xukuumad
iyo dawladba waa la DHALLIILI karaa,
laakiin in la EEDEEYAA waa hawl kale
oo hubinteeda iyo soo-oogiddeda u baahan. Waxaan is-leeyahay waa labada dadka
iskaga qaldan. Aan xabbad-qaado dhowrka qodob ee aan kor idiin ku soo taxay:
Digniinaha
ingiriiska iyo Mareykanka:
Ingiriis
iyo Mareykan waa laba dawladood oo inaga madax-bannaan oo danahooda gaar
ahaaneed sida ay hadba doonayaan u maammusha oo aynaan saamayn caynkaas ah ku
yeelan karin, waxna ka beddeli karin. Waxa inala gudboon oo keliya in aynaan
afka iska xumeyn, in aynaan caytamin iyo in aynaan degdegin. Waxaynu u baahan
nahay in aynu hubsanno waxa dhacay, gurigeennana hagaajisanno. Awalba sidaa la
inaguma odhan jirin. Maxaa si? ah haddaba? Jawaabta ama jawaabahaba in aynu
baadi-goobno weeyaan.
Arrinta Nadra
Maxamed Jaamac:
Waa
waxaan sakaaro ka biirsan oo aan u baahnayn in la sii wad-wado. Ma hubno e?
xataa haddii ay Nadra Maxamed Jaamac hadallo aan fiicnayn qaar ka mid ah
madaxda Qaranka farriin tilifoon oo aan milgahooda ahayn u dirtay, in ay u
yeedhaan oo ay waaniyaan ayaa ka fiicnayd inta saldhig iyo silic-dilka laga
sanqadhiyay iyo hadal-hayntan demi weyday la beeri lahaa. Maxaa loo
sheeganayaa? Maalin kasta waxaynu arkaynaa cay, af-lagaaddo, meel-ka-dhac, boob
iyo dhagar kale oo qaran-jebis ah oo dalkan iyo dalkanba lagula kacayo. Bal
waxa dal iyo dadba haysta ee Nadra Yar
carrabka lagu dhejinayo eega. Ma maqli jirteen: ?fallaadhi gilgilasho, kaagma
go?do.?
Ma
aanu arag e?, ereyada Nadra Maxamed Jaamac lagu haystaa ma dhagarta intaa le?eg
ee qaylo la og yahay ka dhacday ayay ka weyn tahay. Ninka Nadra Maxamaed Jaamac
hadalladeeda, haddii ay jiraanba, u adkeysan waayay ama wax ka soo qaadayaa
xilka uu sido magacii. Wax lagu talax-tago ma aha, ee Madaxtooyada Somaliland
waxaan ku odhan lahaa Nadra Maxamed Jaamac yaanay idin ku noqon Samsamtii 2013ka. Waa talo, haddii aad
diiddaanna waxaad ka heshaan ayaad leedihiin. Ma is-tidhaahdeen, waxa ka caqli
badnaa inantii yareyd ee tidhi: ?Naaska
walaalkay I qabtay waa hadba sida aan ka dhigtaa.? Haddii ay dhacdayba oo Nadra yar wax ka duuleen, ma inta
gabadhaa yar ee maahmaahda laga reebay garatay ayay garan waayeen oo weliba ay
luuqda sii daba-dhigayaan. Waxaan kaga baxayaa tuduc aan ka soo qaadanayo
Ibraahin-gadhle oo ahaa:
?Tuug
waa is-qariyaa,
Halka uu ka xado tulud,
Tahan buu ka guuraa,
Toddobaadkan Xaajow,
Mid tiriig sitaa yimid,?
Ma Madaxweynaha
iyo Madaxweyne-ku-xigeenkaa:
Wax
lafo-jab ah oo dhacay ma jiro. Warar rasmiya ama qoraal ah oo aynu aragnay ma
jiraan. Hadallo aynaan hubin ayaa inagu soo duulaya. Madaxweynihii wuu baxay oo
waa shaqo tegay isaga oo soo fulinaya hawlihii dastuuriga ahaa ee aynu u
igmannay. Ma aha madaxda inta aynu dooranno in aynu ka daba qaylinno. Wax kasta
oo dhacayba waxa muuqata in ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenku arrin ku kala
tageen oo midna dibadda ka soo hawl-gelayo, midna gudaha lagu og yahay oo uu ka
hawl-galo.
Waxaynu
nahay reer Odeygii ka maqan yahay. Waxaynu ku qasban nahay in aynu Madaxweynaha
sugno oo aynaan war-baahinta ku wada hadlin. Arrintu mid qoys ma ha sida ragga
qaarkii u haysto. Arrintu mid qabiil iyo mid qolo midna ma aha. Sida dadka
qaarkii u haystaan ee ay shirarka u abaabulayaan. Arrintu mid qofeedna ma
daarrana. Doqon iyo fiqi-duurrayaasha siyaasadda socod-baradka ku ah ayaan
garanayn e?, waa mid QARAN. Waa hawl
Somaliland oo dhan u taal. Madaxweynihii waa imanayaa haddii Eebbe idmo waana
la sugayaa. Waxa inala gudboon midnimo Qaran oo buuxda iyo in aynu toltolanno
dildillaaceenna.
Wa
billaahi towfiiq.
Dhammaad.
No comments:
Post a Comment