Qaab-dhismeedka Dawladnimo waxaa lagama maarmaan ah inuu yeesho “ Structure” Nidaam kala sarayneed “ Hierarchical Arrangment” kaas oo tilmaamaya Nidaamka Shaqooyinka iyo Masuuliyadaha maamul dawli ahi iyo maamul wal oo jiraaba sal u ah iyada oo ay ka imaynayso inuu noqdo mid qayb –qaybsan oo waadixa oo ay ku cadahay Masuul walba Shaqadiisa iyo Masuuliyadiisa.
Qaab-dhismeedka sugani waxa uu keenaa ama uu bixiyaa in Masuuliyadaha iyo Shaqooyinka la qaybiyo inta islana la isku wadareeyo; waxa uu tilmaamaa masuuliyadda shaqo iyo cida ka masuulka ahba, waxa uu cadeeyaa habka wararka loo kala qaadanayo; waxa uu tilmaamaa halka go’aanku kasoo fulaayo; habka loo xidhiidhayo , habka kaantaroolku u imanayo; iyo waliba qaabka khilaafaadka loo xalinaayo, iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa guud ahaan.
Iyada oo uu sidaa yahay xaal, waxaa hubaala in Hab-maamulka Dawladnimo ee muraayad u ah Qaran wal oo jira in ay ku saqiirtay Madaxtooyada Somaliland ee uu furaheeda hayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Haddaba, bal dhacdooyin tiro badan oo ku aadan arintan aan ka hadlaayo qayb kamid ah aynu halkan maanta ku xusno: Hogaamiyihii Qaranka ugu sareeyey waa Madaxweyne Silaanyo oo noqday Xoghaye , sida aynu ka dheehanay Shaashadaha Televisionada mudadii uu ku sugnaa Imaaraadka Carabta isaga oo qoranaaya “ Minutes of Meegings”. Wasiirkii Duulista Hawada “Axmed Xashi” oo isku bedelay Afhayeenkii Madaxtooyada, Mar uu u jawaabayey Faysal Cali Waraabe, Waxaaba intaa usii dheer wasiirka isaga oo afka saxaafada uun eegaya oo dulqaadkii dawladnimo meesha uu ka baxay , Afhayeenkii Madaxtooyada oo isna isku bedelay Wasiirkii Gaashaandhiga , mar uu Arimaha Ciidamada ka hadlaayey isaga oo u jawaabaya Dawlada Majeerteeniya, iyada oo ay hadaladiisa kamid ahayd “ Rag waaweyn ayaynu nahaye aynu kala xishoono” Cajiib! Ma laba nin oo isdilayaa? Dawladnimo dhimatay!. Chief of Cabinetka oo Wasiirkii Arimaha Dibeda noqday, mar uu idaacada BBCda uu waraysi siiyey isaga oo ka hadlaayey shaqadii arimaha dibeda, waxaaba intaa kasii daran Wasiirkii Arimaha Dibeduna waabu la joogay , waa mudadii dhaweyd ee ay ku sugnaayeen imaaraadka. Madaxii Parotocolka “Mahamed Ilkacase” oo isku bedelay inan yar oo xaflad aroos ka qayb galaaya shaqadiisiina hilmaamay bal waxaynu arkanay Madaxweynihii oo Roogii Casaa garab socda oo isagii’ILKACASE, iyo madaxdii kalena roogii casaa ay ku dul socdaan,waxaa kale oo dhacday in calankii tawxiidku ku xardhanaa oo uu madaxweynuhu dusha kaga taagan yahay madaxdii kale oo dhana garab taagan yihiin oo uuna qof kali ahi dareemin taa sina waa fadeexad diimeed oo hor leh,.Maareeyihiin Wakaalada biyaha oo isna isku bedelay wasiirkii hawlaha guud. Agaasimihii Mucaawanooyinka Madaxtooyada iyo Gabadh Madax ka ah hayad aan dawli ahayn( ODXA) oo Masuuliyadihii Wasaaradda Ciyaaraha dusha u ritay. Bal Madaxweye-xigeenkii la doortay oo Masuuliyadihisii Distooriga ahayd u daba fadhiya nin la Magacaabay ayaa muuqata. Bal la taliyihii Siyaasada Madaxweynaha Abiib timacad iyo la taliyaha gaarka ahaa ee Siyaasada Dr Dixood oo Masuuliyadahoodii qoorta ay iskaga maran yihiin ayaynu aragnaa. Bal Odhadkii qaranka iyo Odhadka labaad ( Hayada Musuqmaasuqa) oo masuuliyadahoodii isku Milan yihiin ayaa muuqata.
Bal laba-labadan Agaasime ee Wasaaradaha loo wada magacaabay ee xafiisyadii iyo kuraastii isku wada haysta ee Isku wada diley ayaynu goob-joog u ahayn. Hadalkii Chief of Cabinetka ee ku aadanaa Mareeyihii Warshada Laydhka “ haddii ay isbixin weyday shirkad heblaayo ayaan ku wareejinayaaye soo xidh meesha” cajiib! Ma ganacsade Bakhaaradisii maamulanayaa!
Gabagabadii, dhacdooyinkani waa qayb kamid ah Dayaca iyo Nidaam la’aanta Habacsan ee hadhaysay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo balse waxaa jira dhacdooyin tiro badan oo aan qoraal lagu soo koobi Karin, tani waxay dhabarjab ku tahay Hab-maamulkii ay Dawladnimo lahaan jirtay, waana mid Madaxweyne Siilaanyo looga baahan yahay inuu wax ka qabto, Madaxweyne Siilaanyo waa in uuna u qaadan dhaliil iyo ceebayn balse waa in uu u qaata tallo iyo tilmaan Muwaadin kasoo fushay, Madaxweyne Silaanyo waxyaabaha uu ku dhaliili jirey Madaxweynihii hore Daahir Rayaale waxaa kamid ahaa talooyinka maqaato , haddaba maanta qaado ayaanu leenahay Mudane siilaanyo oo dib usoo celi sharaftii dawladnimo lahaan jirtay iyo sharaftii dawladnimo ee Qaranka Somaliland kusoo caano maashayba.
A. A. Askar
Political Analyst

No comments:
Post a Comment