Marxuum Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar
“Gurigaagu waa sharaf, Goonyahaagu waa nuur,Gogoshaadu waa nabad,Guushana dalkayska leh,Dalka geesigiisiyo,Galladdana adaa mudan.” Maansadii Galaal ee Hadraawi,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale (cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com)
Waa.Galab Isniineed ayay ahayd. Waa 13kii Meey, 2012ka. Waa bishii amranayd ee aan bilahaba ku jirin. Maalin kale oo taariikheed ayaa ku soo darsantay. Markii aan qadeeyay ayaan yar jiifsaday. Wax aan badnaynba haddii aan jiifay, ayaan xusuustay in Jaamicadda Hargeysa aan ballan ku lahaa 4.15 saacadood ee galabnimo.Shalay gelinkii danbe ayay Prof. Sihaam iga codsatay in aan u imaaddo berri gelinka danbe, haddii Eebbe idmo si aan cashar kooban oo gole-ka-fuul ah uga bixiyo kaalintii ay haweenka Somaliland ka soo galeen halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, dibuheshiisiintii, nabadayntii iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeedba. Hurdo fiican ma seexan e markiiba waa aan kacay. Ku-talo-galku wuxu ahaa in aan ilaa 30 daqiiqadood fasalkaa ku qaato oo dumar kale ayaanu wadaagaynay xiisaddaa haweenka iyo kaalintooda ku saabsanayd. Fasalku wuxu ahaa mid baranayay sida xiisadaha loo maareeyo. Macallimadda Sihaam ilaa lixdan ayay ardayda iigu sheegtay bal se ilaa kala badh ayaa soo xaadiray.30kii daqiiqadood ayaa ilaa saddex saacadood ila gaadhay oo gabbalkiiba waa uu dhacay. Laba tilifoon oo aan sitay mid wuu xidhnaa, midna waan aammusiiyay, waa se uu furnaa. Markii aan casharkii ka baxay, ayaan tilifoonkii xidhnaa furay, kii aammusnaana daalacday, bal in cidi ila soo hadashay. Waa 16 tilifoon oo soo dhacay oo aan seegay. Magacyadii iyo lambarradii ayaan dhex qaaday. Laba Xildhibaan ayaa ku jiray oo aan hore u heli waayay waxa galabnimadan igu kulmiyay.Aniga oo xurmaynayay xilka ay sidaan, saaxiibbo duug ahna aanu ahayn, iyagii ayaan dib ugu celiyay sidii dhaqanka ii ahayd. Ma qaadi waayo tilifoon igu soo dhacay, mid I seegayna kuma celin waayo. Sidashada tilifoonku waa xil, mana fiicna in aad xilkaa cid kale u dhiibato oo waa masuuliyad adiga kuu gaar oo ku taxan xilalka aad siddo iyo dhaqankaaga dadnimo. Waxaan ku horreeyay Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabbi. Bariido aad u gaabnayd ka dib, si naxdin leh ayuu iigu yidhi: Cabdishakuur baa dhintay. Cabdishakuurrada aan aqaannaaba ma badnayn. Magacan Cabdishakuurna aad loogalama baxo Somaliland oo wuxu kaga badan yahay degellada kale ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kililka Shanaad. Xusuustaydii iyo keydkaygii maskaxeed ayaan sida hillaaca u dhex qaaday, si aan u soo dhufto magacan la ii sheegay. Markiiba waxa igu soo dhacay kii iigu danbeeyay oo ah kii aan ugu aqoonta badnaa. Aniga oo naxsan, ayaan Xildhibaankii ugu jawaabay: Sow kii xalay Boorame ka hadlayay.
Xildhibaankiina wuxu iigu daray: Waa run, bal se isaga oo soo socda ayaa baabuurkii la qallibmay, isaga, xaaskiisii iyo walaashii. Markaas ayay naxdintii igu sii korodhay oo aan is-idhi, malaha reerkiiba wuu is-raacay. Is-moodsiiska iyo jileeca aadamaha awgood, ayaa mar mar qofku u qaataa in xanuunka oo keliya loo dhinto.
Haddana si ay u sababeeyaan, waxay sheegaan mowtal-qafle ama geeri lama-filaan ah. Bal is-diiddada eega. Hadda waa aynu hubnaa in la dhimanayo, haddana waxaynu ka hadallaa geeri lama-filaan ah. Ma is-tidhaahdeen sida aynu jecelnahay ayaa been ah.
Waxba yaan hadal-tirada idin ku daalin e, markii aan ogaaday in Boorame lagu aasayo ayaan goaansaday in aan aaska ka qayb-galo. Keligay goaankaa ma aan qaadan ee saaxiibbaday ayaan la wadaagay. Markii ugu horreysayba Xildhibaannada Xaashi Xuseen Caabbi iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan ayaanu batroollaha ama kaalinta indho-birta ku ballannay.
Waxa kale oo dadkii aanu halkaa 5.00tii saacadood ee subaxnimo ku ballannay ka mid ahaa Xasan Cumar Halas oo aanu Akaademiga ka wada hawl-geli jirnay, iyo qaarkale oo badan, waa halkii Maxamed Mooge e. Ilaahow idiin wada naxariiso.
Maalintaa Isniineed ee geerida naxdinta leh ee saaxiibkay Cabdishakuur la ii sheegay, maalin hawl badnayd ayay ahayd. Galabnimadii haddii aan Jaamicaddii ka imid, waxa ii qorshaysnayd in aan Imperial Hotel kaga qayb-galo Buug la gardaadinayay oo uu qoray Sayid oo reer Stockholm ahi. Maa daama aan aaska ku kallahayay, waan ka cudur-daartay. Gelin horeba sariirta ayaan is-daadshay, laakiin galgalashada iyo xusuustii Cabdishakuur ayaan xanaftii iyo xaradhaamadi ledi waayay. Sidii ayaan saladdii kuma toosin e, ku kacay aniga oo madax-xanuun la liita. Ma saacadaha, maalmaha, bilaha, sannadaha iyo xilliyada maskaxdayda habeenkaas oo dhan miranayay baa! Dr. Cabdishakuur, mahadhooyinkiisii, maalmihiisi, maaddii, murtidii iyo maskaxdii uu daweyn jiray.
Kaalintii Indho-birta ayaanu isugu nimid. Guddoomiye Cirro ayaa isaguna ka mid ahaa dadkii aanu bartaa ku kulannay ee u jarmaadayay gelbinta shaksiyad ummaddan Somaliland iyo dadka Soomaaliyeedba guud ahaan qiimo aan la qiyaasi karin ku lahaa. Dhul aad u roobbanaa ayaanu sii jiidhnay. Gebilay ayaanu toddobadii subaxnimo oo wax la ka sii quraacannay. Beer ayaanu dalbannay. Qaar naga mid ahaa oo kelyo dalbaday, waxa loo sheegay in kelyaha hilbaha la soo raaciyo.
Af-jabhadeedkayagii aan u noqdo e, Cidhib barako leh ayaanu ku dhufannay. Markaa waxaanu wada soconnaa baabuurkii uu watay Xasan Cumar Halas. Kantaroolka Dila ayaanu is-taagnay. Saa waxa dhinaca bidix oo koonfur ah ka yaallaay baabuurkii Cabdishakuur la qallibmay. Waa Surf. Midabku waa buluuki culus oo diillimo leh. Muraayadda hore waa digada oo inta ay jajabtay ayay isku daadatay. Waxaan hoos isu idhi waa barta galaafatay Dr. Cabdishakuur. Illeyn hed shinkeedii galay lama baajiyo. Wuxu baabuurkan qallibmay u jeeday koonfur. Labada taayir ee danbe ka galbeed xigay wuu banjarsanaa. Inta aanu u ducaynay ruuxii Dr. Cabdishakuur ayaanu dhaafnay. Baabuurkayaga ayaa ka Halas ka horreeyay. Halas ayaa markii aanu dhaqaaqnayba na joojiyay. Ku-ye: Jidka garan meysaan e, I soo daba gala. Illeyn baabuurkii Dr. Cabdishakuur ayaa noo muuqda e, annaguna naxdintii qaadannay soo-jeedintii Halas.
Xasan Cumar Halas aayar ayuu baabuurka wadaa iyada oo uu laammi marayo. Axmed Cumar Toosh oo baabuurkayaga waday dhowr jeer ayuu u holladay in uu dhaafo, laakiin annaga ayaa ka diidnay. Godkii ugu horreeyay oo ahaa meel daadka loo banneeyay ayaanu ku dhacnay. Xasan Cumar Halas ayaa gacanta soo riday si uu noogu tilmaamo. Markaas ayaa caqligu nagu soo degay oo aanu garannay halista dariiqu leeyahay.
Dila ilaa Boorame inta badan waddo laammi ah ayaanu ku soconnay. Halkii mar laga wada samayn lahaa waddada, waxa laga door-biday in marba intii la karo la sameeyo. Wixii ku qabsoomi waayay labaatanka sannadood, ayaa ku qabsoomay waqti aan laba sannadoodba dhammayn.
Waqti 8.00 saacadood ee subaxnimo ku beegnaa ayaanu gallay magaaladii Boorame, oo aan ahaynba tii aan ogaa. Waa maxay laammiyada is-jiidhayaa. Malahayga waxaan is-idhi, magaalo kale oo dhismaha waddooyinka kula tartantaa ma jirto. Bajaajta ayaa ka darreyd oo aad moodaysay in ay aroos gelbinayaan sida ay isu dabo-yaacayeen.
Reys Hotel ayaanu cabbaar ku hakannay. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaanu isagana ku kulannay.
Subaxnimadaa aanu Boorame gelaynay, waxa kaleoo aanu jidka ku kulannay Khaalid yare oo Warfaafinta nagala hawl-gala. Markii aanu Boorame gallayba waxaanu qaadnay laammida magaalada laga galo. Hotel Harawo ayaanu midig ama bari ka marnay annaga oo woqooyiu soconna. Waddadu waa ay soo xidhmaysaa oo waxa wajahadda kaa qabanaya boodh ay ku taallo Rays Hotel. Midig ayaanu u leexannay oo waxaanu is-taagnay bartii ay xabaashu ka qodnayd. Waanu ka noqonnay oo Rays Hotel ayaanu tagnay.
Annaga oo markaa shah iyo bun dalbannay ayuu na soo wacay Naasir Gargaar oo dadka diran ka mid ahi, magacana sidaa kula baxay. Saacaddu markaa waxay ku beegnayd ilaa sagaalladii. Wuxu noo sheegay in meydkii Dr. Cabdishakuur la soo qaaday si loo aaso. Shaahba ma aanu sugin.
Waxaanu tagnay markiiba goobtii lagu tukanayay oo ahayd Masaajidka Aabbihii Sheekh Cali Jawhar. Nuur iyo Naalleeyaba cidi kama maqnayn. Intii Boorame ku sugnayd ka-sokow, shacbi aad u faro badan oo weliba ahaa foolaadkii ummadda ayaa meel kasta iskaga yimid. Hargeysa waa laga yimid
..Jabuuti baa dayuuraddii la raagsaday oo baabuur la soo halabsaday. Dadkii meesha marayay ee rag iyo dumarba lahaa markii aan dhinac walba ka eegay ee aan farahooda ka yaabay, waxaan is-idhi in badan oo soo lugaysayna waa ay jirtay.
Dawladdu meeqaan aad u sarreeya ayay kaga qayb-gashay. Madaxweyne-ku-xigeenkii ayaa marayay. Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ayaa marayay. Ma Wasiirradaa! Tammuuxaas ayay ka badnaayeen. Ma Beerihii baa
..Ma Arrimihii Shaqadaa
..Ma Duulistii baa
.Ma Kalluumaysigii baa
..Ma Warfaafintii baa
.Ma Caafimaadkii baa
Shirkadihii gaarka loo lahaa iyo hayadihii kale ee dawliga ahaa ayaa iyaguna ciiddaa ka badnaa. Ururkii Dhakhaatiirta oo oodihiisii iyo dhigihiisii ba wata ayaa marayay. Dayartii oo rag iyo haweenba leh. Culimadii iyo Madax-dhaqameedkii. Geeri arooskeed ayay ahayd. Il-yarta ayaa is-qabatay oo usha circa loo tuuraa dhulka kuma ay dhacayn.
Sidaas ayaanu ku gelbinnay Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo milge iyo maamuusbaku lahaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba, gaar ahaan shacbiga reer Somaliland.
Haddaba halyaygan la quudhi waayay kuma ayuu ahaa?
Aniga oo aad uga xun in gawl-gawlo taariikhda iyo sooyaalka saaxiibkay Dr. Cabdishakuur oo aanu maalmo, bilo iyo sannado badan soo wada-qaadannay annaga oo fikir-wadaag ahaan jirnay, ilaa maalintan uu dhimanayayna ahayn. Boorame ayuu ku dhashay xilli ku beegbnaa 1952kii. Qoys-diimeed oo caan ah ayuu ka dhashay. Aabbihii, magac ka miskiin ma ahayn oo Sheekh Cali Jowhar oo geyiga Soomaaliyeed iyo geeska Afrikaba ka caan-baxay.
Dugsiyadii Hoose iyo Dhexe wuxu ku qaatay magaalada Muqdisho isaga oo ka qalin-jebiyay Dugsigii Sare ee Benaadir 1972kii. Waa halkii ugu dhaweyd ee aanu isku baran lahayn, bal se waxaan ka baxay hortii bishii Ogos 1968kii. Markii ay ka baxeen Dugsigii Sare ayaa lagu qoray shaqadii Qaranka. Sida uu ii sheegay Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ay ay isku Dugsi ahaayeen, waxa lagu kala qoray Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo Boorame ah iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo Burco lagu qoray. Waa beryihii nidaamkii Siyaad Barre odhan jiray waxaanu dalka ku dhaqaynaa nidaamka hanti-wadaagga cilmiga ku dhisan.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)
No comments:
Post a Comment