Wednesday, February 27, 2013

Xasuus Qiimo leh.


24/02/2013- Monday (4:37 Pm. )

Markii aan dhammaynay Daabacaada Boodhka, isla markiiba waxaan u yeedhay Cabdillaahi Saleebaan. Isaga iyo Ismaaciil Colow ayaa markaba ii yimid. Markaan tusay way ku qanceen sidaan filayay. Waanay iga qaadeen. Gaadhigay saareen. Waxaan ku balanay in ay I Xafiiska igu soo maraan marka la eedaamo salaada Duhur. Hasa yeeshee, iyaga oo aan wali igu soo noqon ayay gaadhay Duhurkii. Waanan la hadlay, aniga oo kaga daba tagay, Bakhaar wayn oo ah kan Dharka iyo Allaabooyinka Guryaha lagu iibiyo. Halkaa waxaan ugu tagay C/qafaar M Ciise oo la joogo isla markaana Gaadhiga Languruusalka ah ee uu leeyahay laga buuxiyay Barkimooyin. Waxa sidoo kale goobta ku sugan C/laahi Saleebaan Suki Sukidiisa yar oo iyaduna Allaab la ciir ciiraysa.

Sunday, February 24, 2013

Gubtaanyo

 

 
Markii uu yaraa waxa lagu cabsiin jiray caws iyo biyo ku nool iyo faruuryo geeda laac baa ku cuni. Maanta waxa lagu cabsiiyaa boolis baan kuugu yeedhi, 911 iyo 112 baan garaaci haddaad guriga ka bixi weydo. Wuu ogyahay in hanjabaaddaa lagaga dhabayn karo oo hadal kama soo celiyee irridda ayuu ka boodaa.
W/Q. Xasan Cabdi Madar

Qiimee qofkaaga qalloocan, si’ aad u qiimo-tirto qofkaaga qumman



 


“Dheeha muuqa guudkaa,
Nuxur looga dhigayaa,
Haddii ay dhabeel tahay,
Dadka lihi ku dhaataan,
Wuxuun dheef ah laga helo,
Dhag-dhag iyo durbaan iyo,
Dharba loo ma baahdeen,
Ninka dhacanta jiitow,
Dharka ceebta qariyaa,
Hadal iyo dheh maahee,
Dhaqan suubban weeyaan,”

Maansadii, Jiitama, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi

Friday, February 15, 2013

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Khudbaddii Ingiriisiga Ee Ay Xaashida Ka Akhriyeysay Ku Margatay, Ku Hadalka Luuqada Ingiriisiga Oo Aad U Dhibaayey Iyo Khaladaad Ka Muuqday Hadalkeedii Golaha Ammaanka



Fadhigii golaha ammaanka ee qaramada midoobay maanta ku dhegaysteen warbixintii ay soo jeedinayeen guddiyada kormeerka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa hadhaysay hadal ay madasha golaha ammaanka ka jeedisay marwada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u xil saaran Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi ay ahayd markii ugu horaysay ee ay madal caalami ah hadal ka jeediso.

Thursday, February 14, 2013

Aduunyada Ninkii Noolaw Maxaa Aragti kuu laaban




Madaxtooyada Somaliland: Goob ay ku Hagaastay Milgihii dawladnimo!

Qaab-dhismeedka Dawladnimo waxaa lagama maarmaan ah inuu yeesho “ Structure” Nidaam kala sarayneed “ Hierarchical Arrangment” kaas oo tilmaamaya Nidaamka Shaqooyinka iyo Masuuliyadaha maamul dawli ahi iyo maamul wal oo jiraaba sal u ah iyada oo ay ka imaynayso inuu noqdo mid qayb –qaybsan oo waadixa oo ay ku cadahay Masuul walba Shaqadiisa iyo Masuuliyadiisa.


Wednesday, February 13, 2013

Xukuumadii u horeysey ee Madax wayne Siilaanyo Magacaabo

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay magacaabay masuuliin kale oo ka qayb gali doonta xukuumaddiisa, kuwaas oo xubnaha ugu muhiimsan uu madaxweynuhu hadiyad u siiyey beesha uu ka soo jeedo, taas oo marka lagu daro madaxtooyada iyo gudoomiyaha Golaha Guurtida la odhan karo waa xukuumad beelaysan. Hadaba, hoos ka akhriso magacyada msuuliintan iyo beelaha ay ka soo jeedaan:

Hooyaday Macaan

marka aad Nin Hoo loo Gurigiisa Habaqluhu isku soo heleeyoo, lama Hure dhashaabaa Hooyooy lagu Xasuustaa.
Marka aad Nin Himilada Hillin toosan mariyoo Hir markii la gaadhaba kulabaad Hilaabshoo, la Hiigsade dhashaabaa Hooyooy lagu Xasuustaa.(Hooyadaa Ninbay dhashay)

Asalka sheekada


 

 


 

Guud ahaan suugaantu waxa ay ka dhalatay in lagu macneeyo awoodda dabeecadda iyo waxyaalaha aan la garan karin ama la qeexi karin ee nolosha. Waxa ay kale oo ka dhalatay in dadku jiritaankiisa ku sugo oo lagu xusuusto dad iyo dhacdooyin mudnaan leh. Waxa ay kale oo ka dhalatay in qofku ku sheego dareenkiisa xanuunka iyo raaxada, liibaanta iyo murugada, guusha iyo guuldarrada ah. Halkaa ayay sheekaduna ka timid.

Monday, February 11, 2013

Maxaa Maanta inala Gudboon !!


Bisinka. Waa maalmihii ay ayeeyooyinkeen Tiirka Bir ah cuskan jireen, innagana Ilaahay inama seejiyo. Waan qabaa dareenkiinna. In badan oo idin ka mid ah ayaa leh ama saaka
 

KU-DHACA HOGAANKA IYO KALSOONIDA LA-HOGAAMIYAHA


 
WQ. HAMSE A. KHAIRE
 “Ma dadwaynaha oo qof-qof u noqda xilkas isla markaana wanaagsanaada mise hogaamiye-yaal karti, aqoon, daacadnimo dheeraad ah ayaa ah meel dhow, abdo leh oo laga bilaabi karo isbedel togan oo loo aayo”

Sunday, February 10, 2013

Tacsi Tiiraanyo leh oo ku socota Maayarka Gabiley.



Aniga oo ku Hadlaya Magacayga, Ka Xaaskayga iyo guud ahaanba kan Asxaabta waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo Shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. waxaan Tacsidaasi si gaar ah u gaadhsiinayaa Qoyskii Qaraabadii iyo Awlaadii uu Marxuumku ka baxay, waxa kale oo aan si gaar ah Tacsidaasi u gaadhsiinayaa Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse.... Marxuumka ILaahay ha u Naxariisto, intii uu ka baxayna Eebe Sammir iimaan ha ka siiyo.
 

Aamiin……… Aamiin………….. Aamii…

An Open Letter to President Hassan Sh.Mahamoud



Congratulations are in order to you, Mr. President, for the modicum success your government has so far attained. The resuscitation of the diplomatic image in the global space tops on your scorecard.
By Said Faadi

Saturday, February 9, 2013

Calaamadaha gabadha wax jecel

 

WQ. Cali Cabdi Coomay
 
Gabdhuhu way kala duwan yihiin dabeecad ahaan, taasina waxay keeni kartaa in ay ku kala du wanaadaan calaamadaha ay u muujiyaan marka ay wax jeclaadaan, balse wax a jira calaamado ay ka siman yihiin:

Wada Hadalada Somaliland iyo Puntland

 
Wada Hadalada Somaliland iyo Puntland

Saciid Khadar iyo IDIL Nuux oo Gabadhi u dhalatay


Saciid khadar Cabdillaahi iyo Idil Nuux Cige oo Hargeysa Gabadhi ugu dhalatay.

Quruxda Shimbiraha

Friday, February 8, 2013

Nuurka Islaamka


Taariikhda Amiirkii Labaad Ee Muslimiinta Cumar Binu Khidaab Alaah Ha Ka Raali Noqdee (Qaybtii 13naad
SANADKII 17AAD
Sanadkan Billaawgiisii bishii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka wareegay magaalladii Madaain isagoo uguuray Kuufa. Waxaanse ku xusi doonnaa sadarrada dambe marka aynu ka hadlayno dhacdooyinkii dhulka Furus ee sanadkan hadduu Alle idmo.
Immikuna aan u weecanno...


Iman mayso Somaliland-ta aad u Alwanaysaaye



Dr.Maxamed Saciid Gees
  
Aqoonyahan Maraykan ah oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Gobalka North Carolina oo la yidhaa (Davidson College), laguna magcaabo Ken Machouse oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadd, isla markaana qoraallo badan ka qoray Soomaalida oo Dawladda

Xil.Cartan oo Falanqeeyey Khudbadii Madaxwayne Siilaanyo Sannadka 2013



Qallinkii: Xildhibaan C/Raxmaan Yuusuf Cartan

Hor-dhac

Madaxweynuh wuxuu maalintii Arbacadii labada Gole ee Baarlamaan ka hor jeediyey khudbad Taariikhi ah. Khudbadaas oo ahayd mid dhinacyo badan 

Nin Reer Xamar ah oo Farsamooyin Cusub raba in uu ku dhaco Reer Hargeysa


Hargeysa (Foore)-  waxa Magaalada Hargeysa ka socota farsamo Casri ah, taasoo ah Isxambaar been ah.waxana arinta wada Nin Reer Xamar ah oo lagu Magacaabo Yoonis Aboowe. 

Hiigsigii iyo himiladii fogayd(1952kii-2012ka): Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar (1952kii-2012ka)


Marxuum Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar
“Gurigaagu waa sharaf, Goonyahaagu waa nuur,Gogoshaadu waa nabad,Guushana dalkayska leh,Dalka geesigiisiyo,Galladdana adaa mudan.”  Maansadii Galaal ee Hadraawi,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale  (cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com)
Qormadii: 1aad

Intii aanu dhiman wuu noolaa

Qalinka: Xasan Cabdi Madar-nabaadiino@yahoo.com

Isaga oo xabbad dheer oo sigaar ah jiidaya, mid kalena dhegta u saran tahay ayuu aroornimo hore meel uu ka soo kallahay mooyiye soo fadhiistay makhaayad yar oo bunka lagu cabbo.


Hadday Ogaan Lahayd

WQ: Xasan Cabdi Madar

Aniga oo maraya meel cidla’ ah, la shawraya naftayda, xisaabinaya wakhtiga, waayaha ka faalloonaya, ayaan si kedis ah u joogsaday. 


Khudbad Sanadeedkii 2013 Ee Madaxaynaha JSL




Shirgudoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada Labada Gole, Xisbiyada Qaranka, Marti Sharafta, Warbaahinta kala Duwan, waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka: Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wa Baraakatuhu.