Bolog si kooban aad uga heli karto Maluuumaad tiro badan oo ku saabsan Saciid Khadar Cabdillaahi
Wednesday, March 6, 2013
Wednesday, February 27, 2013
Xasuus Qiimo leh.
24/02/2013- Monday
(4:37 Pm. )
Markii aan dhammaynay Daabacaada
Boodhka, isla markiiba waxaan u yeedhay Cabdillaahi Saleebaan. Isaga iyo
Ismaaciil Colow ayaa markaba ii yimid. Markaan tusay way ku qanceen sidaan
filayay. Waanay iga qaadeen. Gaadhigay saareen. Waxaan ku balanay in ay I
Xafiiska igu soo maraan marka la eedaamo salaada Duhur. Hasa yeeshee, iyaga oo
aan wali igu soo noqon ayay gaadhay Duhurkii. Waanan la hadlay, aniga oo kaga
daba tagay, Bakhaar wayn oo ah kan Dharka iyo Allaabooyinka Guryaha lagu
iibiyo. Halkaa waxaan ugu tagay C/qafaar M Ciise oo la joogo isla markaana
Gaadhiga Languruusalka ah ee uu leeyahay laga buuxiyay Barkimooyin. Waxa sidoo
kale goobta ku sugan C/laahi Saleebaan Suki Sukidiisa yar oo iyaduna Allaab la
ciir ciiraysa.
Sunday, February 24, 2013
Gubtaanyo
Markii uu yaraa waxa lagu cabsiin jiray caws iyo biyo ku nool iyo faruuryo geeda laac baa ku cuni. Maanta waxa lagu cabsiiyaa boolis baan kuugu yeedhi, 911 iyo 112 baan garaaci haddaad guriga ka bixi weydo. Wuu ogyahay in hanjabaaddaa lagaga dhabayn karo oo hadal kama soo celiyee irridda ayuu ka boodaa.
W/Q. Xasan Cabdi Madar
Qiimee qofkaaga qalloocan, si’ aad u qiimo-tirto qofkaaga qumman
Nuxur looga dhigayaa,
Haddii ay dhabeel tahay,
Dadka lihi ku dhaataan,
Wuxuun dheef ah laga helo,
Dhag-dhag iyo durbaan iyo,
Dharba loo ma baahdeen,
Ninka dhacanta jiitow,
Dharka ceebta qariyaa,
Hadal iyo dheh maahee,
Dhaqan suubban weeyaan,”
Maansadii, Jiitama, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi
Wednesday, February 20, 2013
Monday, February 18, 2013
Friday, February 15, 2013
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Khudbaddii Ingiriisiga Ee Ay Xaashida Ka Akhriyeysay Ku Margatay, Ku Hadalka Luuqada Ingiriisiga Oo Aad U Dhibaayey Iyo Khaladaad Ka Muuqday Hadalkeedii Golaha Ammaanka

Fadhigii golaha ammaanka ee qaramada midoobay maanta ku dhegaysteen warbixintii ay soo jeedinayeen guddiyada kormeerka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa hadhaysay hadal ay madasha golaha ammaanka ka jeedisay marwada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u xil saaran Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi ay ahayd markii ugu horaysay ee ay madal caalami ah hadal ka jeediso.
Thursday, February 14, 2013
Madaxtooyada Somaliland: Goob ay ku Hagaastay Milgihii dawladnimo!
Qaab-dhismeedka Dawladnimo waxaa lagama maarmaan ah inuu yeesho “ Structure” Nidaam kala sarayneed “ Hierarchical Arrangment” kaas oo tilmaamaya Nidaamka Shaqooyinka iyo Masuuliyadaha maamul dawli ahi iyo maamul wal oo jiraaba sal u ah iyada oo ay ka imaynayso inuu noqdo mid qayb –qaybsan oo waadixa oo ay ku cadahay Masuul walba Shaqadiisa iyo Masuuliyadiisa.
Wednesday, February 13, 2013
Xukuumadii u horeysey ee Madax wayne Siilaanyo Magacaabo
Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay magacaabay masuuliin kale oo ka qayb gali doonta xukuumaddiisa, kuwaas oo xubnaha ugu muhiimsan uu madaxweynuhu hadiyad u siiyey beesha uu ka soo jeedo, taas oo marka lagu daro madaxtooyada iyo gudoomiyaha Golaha Guurtida la odhan karo waa xukuumad beelaysan. Hadaba, hoos ka akhriso magacyada msuuliintan iyo beelaha ay ka soo jeedaan:
Hooyaday Macaan
marka aad Nin Hoo loo Gurigiisa Habaqluhu isku soo heleeyoo, lama Hure dhashaabaa Hooyooy lagu Xasuustaa.
Marka aad Nin Himilada Hillin toosan mariyoo Hir markii la gaadhaba kulabaad Hilaabshoo, la Hiigsade dhashaabaa Hooyooy lagu Xasuustaa.(Hooyadaa Ninbay dhashay)
Marka aad Nin Himilada Hillin toosan mariyoo Hir markii la gaadhaba kulabaad Hilaabshoo, la Hiigsade dhashaabaa Hooyooy lagu Xasuustaa.(Hooyadaa Ninbay dhashay)
Asalka sheekada
Guud ahaan suugaantu
waxa ay ka dhalatay in lagu macneeyo awoodda dabeecadda iyo waxyaalaha aan la
garan karin ama la qeexi karin ee nolosha. Waxa ay kale oo ka dhalatay in dadku
jiritaankiisa ku sugo oo lagu xusuusto dad iyo dhacdooyin mudnaan leh. Waxa ay
kale oo ka dhalatay in qofku ku sheego dareenkiisa xanuunka iyo raaxada,
liibaanta iyo murugada, guusha iyo guuldarrada ah. Halkaa ayay sheekaduna ka
timid.
Monday, February 11, 2013
Maxaa Maanta inala Gudboon !!
KU-DHACA HOGAANKA IYO KALSOONIDA LA-HOGAAMIYAHA
“Ma dadwaynaha oo qof-qof u noqda xilkas isla markaana wanaagsanaada mise hogaamiye-yaal karti, aqoon, daacadnimo dheeraad ah ayaa ah meel dhow, abdo leh oo laga bilaabi karo isbedel togan oo loo aayo”
Sunday, February 10, 2013
Tacsi Tiiraanyo leh oo ku socota Maayarka Gabiley.
Aniga oo ku Hadlaya Magacayga, Ka Xaaskayga iyo guud ahaanba kan Asxaabta waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo Shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. waxaan Tacsidaasi si gaar ah u gaadhsiinayaa Qoyskii Qaraabadii iyo Awlaadii uu Marxuumku ka baxay, waxa kale oo aan si gaar ah Tacsidaasi u gaadhsiinayaa Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse.... Marxuumka ILaahay ha u Naxariisto, intii uu ka baxayna Eebe Sammir iimaan ha ka siiyo.
An Open Letter to President Hassan Sh.Mahamoud
Saturday, February 9, 2013
Calaamadaha gabadha wax jecel
Friday, February 8, 2013
Nuurka Islaamka
SANADKII 17AAD
Sanadkan Billaawgiisii bishii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka wareegay magaalladii Madaain isagoo uguuray Kuufa. Waxaanse ku xusi doonnaa sadarrada dambe marka aynu ka hadlayno dhacdooyinkii dhulka Furus ee sanadkan hadduu Alle idmo.
Immikuna aan u weecanno...
Iman mayso Somaliland-ta aad u Alwanaysaaye
Dr.Maxamed Saciid Gees
Aqoonyahan
Maraykan ah oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Gobalka North Carolina oo la
yidhaa (Davidson College), laguna magcaabo Ken Machouse oo khabiir ku ah
arrimaha siyaasadd, isla markaana qoraallo badan ka qoray Soomaalida oo
Dawladda
Xil.Cartan oo Falanqeeyey Khudbadii Madaxwayne Siilaanyo Sannadka 2013
Qallinkii: Xildhibaan C/Raxmaan Yuusuf Cartan
Hor-dhac
Madaxweynuh wuxuu maalintii Arbacadii labada Gole ee Baarlamaan ka hor jeediyey khudbad Taariikhi ah. Khudbadaas oo ahayd mid dhinacyo badan
Madaxweynuh wuxuu maalintii Arbacadii labada Gole ee Baarlamaan ka hor jeediyey khudbad Taariikhi ah. Khudbadaas oo ahayd mid dhinacyo badan
Nin Reer Xamar ah oo Farsamooyin Cusub raba in uu ku dhaco Reer Hargeysa
Hargeysa (Foore)- waxa Magaalada Hargeysa ka socota farsamo Casri ah, taasoo ah Isxambaar been ah.waxana arinta wada Nin Reer Xamar ah oo lagu Magacaabo Yoonis Aboowe.
Hiigsigii iyo himiladii fogayd(1952kii-2012ka): Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar (1952kii-2012ka)
Marxuum Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar
“Gurigaagu waa sharaf, Goonyahaagu waa nuur,Gogoshaadu waa nabad,Guushana dalkayska leh,Dalka geesigiisiyo,Galladdana adaa mudan.” Maansadii Galaal ee Hadraawi,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale (cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com)
Qormadii: 1aad
Hadday Ogaan Lahayd
WQ: Xasan Cabdi Madar
Aniga oo maraya meel cidla’ ah, la shawraya naftayda, xisaabinaya wakhtiga, waayaha ka faalloonaya, ayaan si kedis ah u joogsaday.
Khudbad Sanadeedkii 2013 Ee Madaxaynaha JSL
Subscribe to:
Posts (Atom)