Saciid Khadar
Bolog si kooban aad uga heli karto Maluuumaad tiro badan oo ku saabsan Saciid Khadar Cabdillaahi
Wednesday, March 6, 2013
Wednesday, February 27, 2013
Xasuus Qiimo leh.
24/02/2013- Monday
(4:37 Pm. )
Markii aan dhammaynay Daabacaada
Boodhka, isla markiiba waxaan u yeedhay Cabdillaahi Saleebaan. Isaga iyo
Ismaaciil Colow ayaa markaba ii yimid. Markaan tusay way ku qanceen sidaan
filayay. Waanay iga qaadeen. Gaadhigay saareen. Waxaan ku balanay in ay I
Xafiiska igu soo maraan marka la eedaamo salaada Duhur. Hasa yeeshee, iyaga oo
aan wali igu soo noqon ayay gaadhay Duhurkii. Waanan la hadlay, aniga oo kaga
daba tagay, Bakhaar wayn oo ah kan Dharka iyo Allaabooyinka Guryaha lagu
iibiyo. Halkaa waxaan ugu tagay C/qafaar M Ciise oo la joogo isla markaana
Gaadhiga Languruusalka ah ee uu leeyahay laga buuxiyay Barkimooyin. Waxa sidoo
kale goobta ku sugan C/laahi Saleebaan Suki Sukidiisa yar oo iyaduna Allaab la
ciir ciiraysa.
Sunday, February 24, 2013
Gubtaanyo
Markii uu yaraa waxa lagu cabsiin jiray caws iyo biyo ku nool iyo faruuryo geeda laac baa ku cuni. Maanta waxa lagu cabsiiyaa boolis baan kuugu yeedhi, 911 iyo 112 baan garaaci haddaad guriga ka bixi weydo. Wuu ogyahay in hanjabaaddaa lagaga dhabayn karo oo hadal kama soo celiyee irridda ayuu ka boodaa.
W/Q. Xasan Cabdi Madar
Qiimee qofkaaga qalloocan, si’ aad u qiimo-tirto qofkaaga qumman
Nuxur looga dhigayaa,
Haddii ay dhabeel tahay,
Dadka lihi ku dhaataan,
Wuxuun dheef ah laga helo,
Dhag-dhag iyo durbaan iyo,
Dharba loo ma baahdeen,
Ninka dhacanta jiitow,
Dharka ceebta qariyaa,
Hadal iyo dheh maahee,
Dhaqan suubban weeyaan,”
Maansadii, Jiitama, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi
Wednesday, February 20, 2013
Monday, February 18, 2013
Friday, February 15, 2013
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Khudbaddii Ingiriisiga Ee Ay Xaashida Ka Akhriyeysay Ku Margatay, Ku Hadalka Luuqada Ingiriisiga Oo Aad U Dhibaayey Iyo Khaladaad Ka Muuqday Hadalkeedii Golaha Ammaanka

Fadhigii golaha ammaanka ee qaramada midoobay maanta ku dhegaysteen warbixintii ay soo jeedinayeen guddiyada kormeerka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa hadhaysay hadal ay madasha golaha ammaanka ka jeedisay marwada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u xil saaran Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi ay ahayd markii ugu horaysay ee ay madal caalami ah hadal ka jeediso.
Subscribe to:
Posts (Atom)